Haayada Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay halkan ku casuuntay daneeyayaasha Muujiyey xiisaha xulashada qandaraaslayaasha, la-taliyayaasha, iyo alaab-qeybiyeyaasha ku waasoo loo rabo haayada waaxdeeda Injineerinyada Biyaha iyo Habitat
CASUMAAD
MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA
Haayada caalamiga ah ee laanqayrta cas
Ciwaan Email : add_purchasing_services@icrc.org
Taariikhda : July 21/2022
Tix-raac.# : WATHAB/ADD22/000XXX
Taariikhda /saacada ugu dambaysa: August 31/2022 , 12:00 duhurnimo
Fadlan garawso risiidka codsiga ee loogu talagalay MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA adiga oo ku diraya ciwaanka add_purchasing_services@icrc.org
- MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA -gu waa in uu leeyahay lambarka tixraaca ee MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA ee xaga sare ku xusan,kadibna loo diraa ciwaanka add_purchasing_services@icrc.org ka hor maalinka xiritaanka iyo saacada xiritaanka.
- Dhamaan MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA , lagu soo diro ciwaan
- khaldan,ee ka baxsan ciwaanada kor lagu xusay iyo daahitaanka, lama aqbalayo.
- Dhamaan MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA , la soo xareeyo kadib maalinka iyo saacada loogu talagalay lama qaabilayo.
- Isbadalada MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA waxaa shardi ah in in lagu soo gudbiyo qoraal lagu sheegayo in uu dalab cusub yahay ka hor dhicitaanka taariikhda loogu talagalay.
- Dhamaan MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA la soo diray waxaa loo haynayaa si qarsoodi ah.
- Dhamaan ka soo qaybgalayaasha iibiyayaasha ah waxaa natiijada lagu wargalinayaa markii ay soo idlaato geedi socodka xulashada.
- ICRC masuuliyad kama saarno inay sharaxaad ka bixiso xulashada ugu dambaysa ee alaab qaybiyaha.
Muujinta Xiisaha daneeyayaasha
Haayada Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waa urur caalami ah, oo madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo hubinaya ilaalinta bini'aadantinimada iyo gargaarka dhibanayaasha dagaalka iyo xaaladaha kale ee la soo darsa.
ICRC waxay halkan ku casuuntay daneeyayaasha Muujiyey xiisaha xulashada qandaraaslayaasha, la-taliyayaasha, iyo alaab-qeybiyeyaasha ku waasoo loo rabo haayada waaxdeeda Injineerinyada Biyaha iyo Habitat. Faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:
1. Qandaraaska shaqada, adeega tala bixinta iyo agab keenis
A. Qaybta koobaad: qandaraaslayaasha ka shaqeeya shaqooyinka soosocda
- Qandaraaslayda fidinta adeega biyaha iyo nadaafada ( WWC)
- Qandaraaslayda qodista ceel –biyoodka iyo dayactirka (WWDC)
- Qandaraaslayda rakibida qalabka Electromechanical (EMC)
- Qandaraaslayda ka shaqaysa dhismaha (BC)
- Qandaraaslayda guud (GC)
B. Qaybta labaad: tala bixinta hawlgalada soosocda
- Shaqaalaha sawirka qariiraada dhulka
- Shaqaalaha sahminta jihooyinka
- Tala bixiyayaasha ku hawlan falanqaynta baahida tamarta korontada.(adeega latalinta ee tamarta,tan deegaanka,mida isbadalka cimilada iyo arimaha la xidhiidha).
- Lataliyayaasha khibrada u leh nidaamka tamarta qoraxda (daraasaadka,naqshadaynta,tababarka iyo dabagalka).
- Shaqooyinka naqshadaynta
- Latalinta horumarinta nadaafada
- Lataliyayaasha khibrada u leh fidinta tababarka dhisida awooda (hawlgalka iyo dayactirka) shaqooyinka adeega biyaha.
- Lataliyayaasha khibrada u leh shaqooyinka iyo dayactirka (tuubooyinka,korontada,dhisida dhismayaasha iyo qalabka korontada).
C. Qaybta sadaxaad: shaqooyinka soosocda ee agab keenayaasha
- Matoorada biyaha iyo qalabka korontada Electromechnical.tusaale ahaan:-matoorada biyaha iyo kuwa bullaacadaha iyo qalabka lagu maareeyo ( kor iyo hoos loo dhigi karo) oo cabirkoodu u dhaxeeyo 5KW ilaa 90KW).
- Matoorada korontada dhaliya iyo fiilooyinka korontada.kuwaasoo daboolaya qaybta laga kontoroolayo, ee batanka daarida iyo daminta,agabka badalaada, iyo fiilooyinka korontada.( tankooda caadiga ah wuxuu u dhaxeeyaa 45KVA ilaa 300KVA).
- Agabyada tuubooyinka iyo waxyaabaha lagu rakibo agabyadan oodhan.tusaale ahaan agabka caaga ah iyo kuwa birta ah. – UPVC, PVC, HDPE, C.I., D.I, ... iwm) agabkaaso kala duwan tankoodana kala duwanyahay.
- Nidaamka tamarta qoraxda Solar Energy Systems (qalabka oo dhamaystiran) taasoo dabooli karta baahida goobo ballaadhan qalab kala duwana lagu rakibi karo.tusaale ahaan tanka ugu yar ilaa tanka dhaxdhaxaadka ah 1KW ilaa 10KW kuwaaso loo isticmaalayo shaqooyinka xafiisyada,xarumaha caafimaadka,iyo shaqooyinka degaanka dhaxdiisa.intaa waxaa sii dheer nidaamka tamarta korontada ee loo isticmaali karo matoorada biyaha.
- Taangiyada Fiberka ah,haamaha caaga iyo haamaha waxyaabaha kale laa sameeyay/PE Haanta biyaha (1m3 ilaa 15m3).
- Fidinta adeega qalabka gacmaha wax lagu buufiyo (AfriDev iyo IndiaMark II).
- Kiimikada biyaha lagu daweeyo (Aqua tabs, Chlorine (Hypochlorite HTH), iyo Alum-Sulfate).
- Reverse Osmosis (RO) agab fidiyayaasha dabooli kara baahiyada goobaha maxalliga ah ee isbitaalada tanka yar iyo kuwa tanka dhaxe ayaa tusaale loosoqaadan karaa.
- Agab fidiyayaasha digsiyada wax lagu karsado iyo shiiladaha wax lagu karsado (IRS)
- Alaab qaybiyayaasha foornada rootiga,mashiinka cajiinka qasa iyo mashiinka daqiiqda lagu shaandheeyo.
- Alaab qaybiyayaasha bustayaasha iyo firaashyada.
2. SHURUUDAHA HORE EE LA BUUXINAYO EE XULASHADA ALAAB QAYBIYAYAASHA
Shuruudaha u qalmitaanka xulashada oo faahfaahsan waxaa lagu sifeeyay qodobada soosocda,sidaas daraadeed shaqsiyaadka shuruudahan buuxinaya oo kaliya ayaa soo codsan kara.
- Shaqsiyaadka codsiga soo gudbisanaya waa in ay haystaan dokmantiya sharciyaysa,waana in ay ogolyihiin in ay ku shaqayn karaan xaaladaha adag iyo in ay ka shaqayn karaan goobaha ay ka hawlgasho ICRC.
- Shaqsiyaadka codsiga soo gudbisanaya waa in ay khibrad u leeyihiin keenida ama fidinta agabyada tanka ugu yare ee saddax sanad miisaaniyeed ee ugu dambaysay,ayaga oo agabka si toos ah ugu fidinayay dadka isticmaalaya/ka faa’idaystayaasha.
- Lacalla agab qaybiyayaasha maxalliga ah,codsadayaasha waa in ay soo gudbiyaan koobiyada dukmantiyada alaabta lagu dalbaday ama lagu soo iibiyay ee laga helayo isticmaalayaasha ugu dambaysa si loogu xoojiyo dokmantiyadooda.
- Codsadayaasha waa inay magdhaw diyaar u layihiin ICRC,taaso ka iman karta dacwooyinka,cabashooyinka,ama dayma iwm.taaso ka iman karta iibsadayaasha ajaanibta ah.ama laga soo baxo shuruudaha iyo xeerka XIISAHA DANEEYAYAASHA .
- Codsadayaasha waa in ay soo xareeyaan dokmanti xaqiijinaya in aan hada ka hor lagalinin liiska madaw,aan laga mamnuucin ama aan loo diidin codsiyada dawlada ama wakaaladaha gobolada ilaa taariikhda maanta la joogo.dokmantiyada xaqiijinta waa in si sax loo shaambadeeyaa.
- Alaab qaybiyayaasha waa inay u hogaansamaan shuruudaha guud ee ICRC.
3. NIDAAMKA SHAQADA:
- Codsadayaasha la xushay waxay ka mid noqonayaan alaab qaybiye ka tirsan ICRC,kaaso u hawlgalaya shaqaale qandraasla u ah ICRC oo alaabta u keena.ICRC waxay filanaysaa inay si joogta ah u dhaqan galiso shaqooyinka qandaraaslayda ayada oo la adeegsanayo nidaamka alaab qaybinta alaab qaybiyayaasha.qandaraaslayda alaabta keenaysa waa in ay u hogaansamaan fidinta badeecooyinka qandaraaska ku xusan oo ay keenaan.
- Alaab qaybiyayaasha waxaa looga baahanyahay inay keenaan ama soo xareeyaan CPO/damaanada bangiga,taas qiimaynteeda waxaa go’aan ka gaadhi doonta ICRC ayada oo lagu salaynayo nidaamka qandaraaska.
- Lacagta waxaa lagu bixinayaa heshiisyada dhaaxmara ICRC iyo alaab qaybiyayaasha.
- Qandaraaslaha alaab qaybiyaha la xushay waa in uu xaqiijin karaa in uu u hogaansanyahay sharciyada dawlada,awaamiirta,xeerarka iyo go’aanada ee la xidhiidha shaqooyinka kor ku xusan.
- Alaab qaybiyaha waa in uu saxiixaa oo uu xaqiijiyaa in uu raacayo sharciyada iyo xeerarka u dajisan dalkan itoobiya ee xiliyada kala duwan.
4. SHARCIYADA & SHURUUDAHA :
- Codasadaha waa in aan hada ka hor laga joojinin/laga xanibin/ama laglinin liiska madaw ama aan laga mamnuucin shaqooyinka ama qandraasyada dawlada (ama dawlada hoose)/PSU.lacala shaqsiga soo xareeya dokmantiya aan saxsanayn (ama laga war helo xili kasta) qandaraaslayda noocaas ah shaqadan waalagala laabanayaa.
- Codsadayaasha waxaa laga yaabaa in la waydiiyo cadaymo iyo xaqiijimo lagu hubinayo dokmantiyada ay soo xareeyeen codsadayaasha,xili walba oo ay muhiim tahay oo ay u baahato ICRC.
- Dhamaan dokmantiyada la soo xareeyay ee lagaga qaybgalayo XIISAHA DANEEYAYAASHA waa in ay noqdaan hantida ICRC,waxaana dokmantiyadaasi loohaynaya si masuulnimo ku jirto oo lagu kalsoonaan karo ayaa loo xafidayaa.
- Codsadayaasha (s) ciwaanada iskumidka ah ama ciwaanka laga la xidhiidhaya ee iskumidka ah lama ogola.
- ICRC sinaba xidhiidh u lamalahan ama kuma xidhna codsadayaasha XIISAHA DANEEYAYAASHA . ICRC Masuuliyad ka ma saarna wixii qarashaad ee ka baxa codsadaha ee la xidhiidha XIISAHA DANEEYAYAASHA hadii ay ICRC ka laabato,ama ay joojiso ama ay dib u dhigto nidaamka XIISAHA DANEEYAYAASHA , ama ay ku dhaqaaqdo qorsho kale oo ku haboon XIISAHA DANEEYAYAASHA ,oo ay ka mid noqon karaan ku soo darida fikiradaha dalabaadka mustaqbalka.codsiga XIISAHA DANEEYAYAASHA ka mid ma ahan nidaamyada geedi socodka,qandaraasyada,xeerka qandaraasyada ee u dhaxeeya ICRC iyo alaab qaybiyayaasha awooda leh.
- Shuruucda iyo shuruudaha kore waa in ay maanka galiyaan codsadayaasha guud,codsadayaasha aan soo dhamaystirin dokmantiyada tartanka ama aan u hogaansamin shuruudaha iyo sharciyada tartanka waalaga mamnuucayaa.
- ICRC waxay xaq u leedahay inay ogolaato ama ay diido dalabaadka XIISAHA DANEEYAYAASHA ayada oo aan wax sabab ah soo bandhigaynin.go’aamada ICRC waa kuwa kama dambays ah oo dhamaan ka qaybgalayaasha oodhan khusayso.
- Caawimaada iyo taageerida ay ICRC u fidinayso alaab qaybiyayaasha kama dhigna inay ICRC si gaar ah ama dana gaar ah la leedahay alaab qaybiyayaasha,wax ballan qaad ahna ICRC masamaynayso.ICRC waxay awood u leedahay qayb ama gabi ahaanba in ay ka laabato heshiiska qandaraaska ayada oo aan wax shardi jirin.
5. DUKMANTIYADA LOO BAAHANYAHAY:
Shuruudaha u qalmitaanka qandaraaska
Shirkadaha xiisaynaya waxaa lagu dhiiri galinayaa in ay qandaraaskan u tartamaan hadii ay buuxin karaan shuruudaha iyo dukmantiyada hoos lagu xusay,waana in ay soo ku soo xareeyaan dokmantiyada (goobta loogu talagalay) ayada oo la raacayo shuruudaha la soo xusay.
|
Shuruudaha u qalmitaanka qandaraaska
|
In la xareeya/dokmantiyada loo baahanyahay oo faahfaahsan.
|
|
Heerka |
Fadlan dokmantigaaga ku xus heerka ama darahada shirkadaada ay tahay |
|
Ugu yaraan laba sanadood oo khibrad ah |
Cadaymaha ugu yaraan laba sanadood oo khibrada dhismaha ama adeega tala bixinta. |
|
Shati shaqaynayo oo diwangashan oo shaambada ama saxiixa xafiiska ansixiyay ay ku taalo. |
Cadaymaha diwaanka kambaniga |
|
Xogta shirkada – oo ay ka mid tahay ugu yaraan shaqooyinka khibrada shirkadu ay u leedahay,sanadaha ay shirkadu shaqaysay iwm |
•Xogta shirkada oo ay ku xusanyihiin shaqaalaha shirkada,waxa ay shirkada ka hawl gasho oo ay khibrada u leedahay,iyo sanadaha shirkada ay shaqadan ka shaqaynaysay - •Waxaa ka mid ah awooda shaqaalaha,dhaqaalaha iyo agabka la heli karo ama hantida shirkada,shaqsiga shirkada leh ama qofka matala ama wakiilka ka ah. •Nidaamka shirkada ay u shaqayso ee dhanka falalka fara xumada lagula kaco dumarka. •Nidaamka shirkada ay u shaqayso ee dhanka falalka isticmaalka xooga caruurta. •Nidaamka shirkada ay u shaqayso ee dhanka simanaanta shaqaalaysiinta ragga iyo dumarka. •Fiira gaar ah: shirkadaha ugu yaraan soo shaqeeyay laba sanadood ee ka soo shaqeeyay wax soosaarka beeraha tartanka way ka qaybgali karaan |
|
bixinta ama celinta canshuurta dawlada. |
Koobiyada dokmantiyadii lagu bixiyay canshuurda dawlada ugu yaraan sadaxdii bilood ee ugu dambaysay. i.e. Feb. Ilaa March 2022 dokmantiyadaas waa in la soo xareeyaa.
|
|
Awooda waarida dhaqaale |
Ugu yaraan 3 sano dokmantiyada maaliyadeed/war bixinta xisaab xirka ama dokmantiyada kaydka akown bangiga ee sanadka 2019 ilaa 2021 waan in la heli karaa. |
Fiira gaar ah: si loo sookoobo shuruudaha,kuwaas oo ah macluumaadka aasaasiga ah iyo kuwa qasabka ah ee u jeedada qiimanta,fadlan isku day in aad si daxadar leh u fuliso qodobadan hoose,hadii aysan taasi dhicin waxaa laga yaaba marka ugu horeeya ee dokmantiyada la eegayo in dokmantigaaga laga saaro tartanka:
- heerka khibrada, waaya aragnimada mashaariicda isku midka ah iyo shahaadooyinka khaaska ah ee agabyada
- xogta maaliyadeed: wax kabadalida 3dii sanadood ee lasoodhaafay.
- khibradaha ururada ama haayadaha gargaarka iyo sheegida macaamiisha kala duwan:fadlan ka war bixin qandaraasyadii ugu dambaysay ee aad la yeelatay haayadaha caalamiga ah,haayada qaramada midoobay,haayadaha aan dawliga ahayn iyo macaamiisha kale.
- koobiyada kodmantiyada lagu bixiyay canshuurtii ugu dambaysay taasoo lagu bixiyay xarumaha ay khusayso iyo laamahooda.
6) XARAYNTA MUUJINTA XIISAHA DANEEYAYAASHA
Shaqsiyaadka iyo shirkadaha xiisaynaya waa in ay soo xareeyaan codsiyadooda inta ka horaysa iyo in aysan ka dambaynin taariikhda iyo saacada la xaraynayo XIISAHA DANEEYAYAASHA ee i.e. August 31.2022
a) goobta lagu soo xaraynayo codsiga XIISAHA DANEEYAYAASHA iyo qaabka gaadhsiinta:
XIISAHA DANEEYAYAASHA waa in lagu soo diraa boostada dagdaga ah ama in lagu soo diraa E-mail ama shaqsi ahaan loo geeyaa goobta ayada oo la adeegsanayo ciwaanada hoose.
Head of Procurement
ADD Logistic unit
International Committee of The Red Cross (ICRC)
Bole Kifle Ketema, Kebele 13, Addis Ababa or to
add_purchasing_services@icrc.org
b) codsiyada lagu soo diro Fax lama qaabilayo.
c) Codsiyada XIISAHA DANEEYAYAASHA ee soo daaha: codsi walba oo khuseeya XIISAHA DANEEYAYAASHA ee la soo diro kadib xiligii loogu talagalay lama aqbalayo.
d) Dalab walba oo yimaada ka dib maalinka ugu dambaysa lama qaabilayo.
7) OGAYSIIN
Arimaha dukmantiyada ma ahan kuw qasab ku ah ama ay masuul ka tahay hirgalintooda ama horay u wadidooda haayada ICRC. ICRC waxay awood u leedahay inay ogolaato ama diido ama gabi ahaanba ay joojiso qandaraaska ayada oo aan wax sabab iyo cadayn laga doonaynin.ICRC ayaa xaq u leh joojinta XIISAHA DANEEYAYAASHA ayada oo aan soo bandhigaynin sababta joojinta heshiiska ama qandraaska,guud ahaan xogta iyo macluumaadka XIISAHA DANEEYAYAASHA waa kuwa amni ah oo lagu kalsoonaan karo.
Hadii aad u baahato wixii xog iyo macluumaad ah fadlan haka gaabinin in aad nala soo xiriirto.
Haayada caalamiga ah ee laanqayta cas waaxda/kooxda iibka
